Hodan Hospital
Hodan Hospital is a Health Care Service Provider incorporated and registered in Somalia to offer affordable in and outpatient health care services in Somalia.
Dhaqtarka maanta wuxuu diyaar ku yahay qaybta bukaaan socodka isbitaaalka "OPD". soo wac 1234.
01/05/2026
Isbitaalka Hodan ayaa qabtay kulan casho sharaf ah oo si diirran loogu soo dhawaynayo prof.dr. Turgut Aydin, oo ah dhakhtar khibrad sare u leh cudurrada dhalmo laโaanta iyo hababka casriga ah ee IVF, kaas oo markii ugu horreysay booqasho ku yimid guud ahaan Afrika, gaar ahaan Soomaaliya. Prof.dr. Turgut Aydinayaa ka howlgala Isbitaalka Acฤฑbadem ee dalka Tรผrkiye. Dhaqtarka ayaa berri si rasmi ah u soo fadhiisan doono Isbitaalka Hodan.
01/05/2026
โ๐๐จ๐๐ค๐ข๐ข ๐ฌ๐ฎ๐๐๐ฑ ๐ค๐ฎ ๐ฐ๐๐๐๐๐ซ๐ข๐ข๐ฌ๐ญ๐ ๐ข๐ฌ๐๐ ๐จ๐จ ๐ง๐๐๐๐ ๐ช๐๐๐, ๐ฃ๐ข๐ซ๐ค๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ง๐ ๐๐๐๐๐ข๐ฆ๐๐๐ ๐ช๐๐๐จ, ๐จ๐จ ๐ก๐๐ฒ๐ฌ๐ญ๐ ๐ฐ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ฎ ๐๐ฎ๐ง๐ข ๐ฅ๐๐ก๐๐ ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐๐๐ฌ ๐ฐ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ฎ ๐ฅ๐ ๐ฆ๐ข๐ ๐ฒ๐๐ก๐๐ฒ ๐ช๐จ๐ ๐๐๐๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐ ๐จ๐จ ๐๐ก๐๐ง ๐ฅ๐ ๐ฌ๐ข๐ข๐ฒ๐๐ฒ"
Waa xusuusin ina tusaysa in nabadda, caafimaadka, iyo quudka maalinlaha ahi ay yihiin nimcooyin qaali ah oo inta badan la fududaysto.
Sidaa darteed, waxaa habboon inaan Alle uga mahadcelinno nimcooyinkaas, isla markaana ka shaqayno ilaalinta caafimaadkeenna, si aynu ugu noolaano nolol deggan, caafimaad iyo barwaaqo leh.
๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐.
Isbitaalka Hodan ayaa bilaabaya olole caafimaad oo lagu fulinayo qaliinno bilaash ah, kuwaas oo ay bixinayso hayโadda King Salman Humanitarian Aid and Relief Center.
Barnaamijkan wuxuu diiradda saaraya bixinta adeegyo qaliin oo muhiim ah, si loogu caawiyo dadka aan awoodin kharashaadka caafimaad.
Noocyada qaliinnada la samayn doono waxaa ka mid ah:
* Qaliinnada cunaha, dhagaha iyo sanka (ENT)
* Qaliinnada guud
* Qaliinnada kilyaha iyo kaadi-mareenka
๐๐๐ฅ๐ข๐ข๐ง๐ง๐๐๐ ๐ฐ๐๐ฑ๐๐ฒ ๐๐ข๐ฅ๐๐๐๐๐ง๐๐ฒ๐๐๐ง ๐๐-๐ค๐ ๐๐ฉ๐ซ๐ข๐ฅ ๐ข๐ฅ๐๐ ๐๐-๐ค๐ ๐๐๐ฒ ๐๐๐๐
28/04/2026
Maanta oo ah 28-ka April, Maalinta Caalamiga ah Badqabka iyo Caafimaadka Goobta Shaqada, Isbitaalka Hodan wuxuu xoojinayaa farriinta ah in badqabka goobaha shaqadu ay tahay masuuliyad wadajir ah.
Isbitaalka Hodan wuxuu ku boorinayaa loo shaqeeyayaasha inay xoogga saaraan badqabka shaqaalaha, iyagoo hirgelinaya habraacyo badbaado, tababarro iyo wacyigelin si loo yareeyo halista dhaawacyada iyo cudurrada la xiriira shaqada.
Badqabka maanta waa caafimaadka berri, aan wada ilaashanno.
27/04/2026
Isbitaalka Hodan wuxuu idiin keenayaa fursad qaali ah oo caafimaad, iyadoo uu imanayo Dr. รaฤlar Yazฤฑcฤฑoฤlu, oo ah dhaqtar waya arag aqoon durugsan u leh daaweynta dhalmo laโaanta (IVF & Fertility). Inta u dhaxeysa 1โ3 May 2026, waxaa la bixin doonaa la-talin bilaash ah (Free Consultation) oo loogu talagalay dadka la tacaalaya arrimaha dhalmo laโaanta.
Ha seegin fursadan muhiimka ah ku heli karto talo iyo daaweyn casri ah. fadlan soo wac 1234 si aad isu diiwaangeliso.
26/04/2026
Safiirka dowladda Talyaaniga Soomaaliya ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid Hodan Hospital magaalada Muqdisho, booqashadaas oo qeyb ka ah xoojinta iskaashiga dhinaca caafimaadka iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Safiirka waxaa si diirran u qaabilay Agaasimaha Guud isbitaalka Dr. Mohamed Issaq Omar oo uu wehliyo Agaasime Ku-xigeenka isbitaalka Dr. Kayf Khayr, waxaana sidoo kale goob joog ka ahaa dhaqaatiir iyo agaasimayaal kale oo isbitaalka ka tirsan, oo uu ka mid yahay Prof. Dr. Fuad Amir Tarmuun.
Intii uu socday kulanka, Safiirka wuxuu warbixin ka dhageystay adeegyada caafimaad ee kala duwan isbitaalka bixiyo, horumarka la gaaray iyo qorshayaasha mustaqbalka, halka wafdigiisuna ay kormeer ku sameeyeen qeybaha kala duwan isbitaalka isla markaana ay la kulmeen dhaqaatiirta iyo agaasimayasha isbitaalka.
Booqashadan waxay muujineysaa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, gaar ahaan dhinaca horumarinta adeegyada caafimaadka. Maamulka Isbitaalka Hodan ayaa uga mahadceliyay Safiirka booqashadiisa, waxayna ballanqaadeen inay si dhow ula shaqeyn doonaan Safaaradda Talyaaniga Soomaaliya.
Sidoo kale, dhawaan Isbitaalka Hodan waxaa yimid dhaqaatiir u dhashay dalka Talyaaniga, kuwaas oo ka fuliyay ololayaal caafimaad, taasoo muujineysa iskaashi sii xoogeysanaya oo u dhexeeya isbitaalka iyo khubarada caafimaadka Talyaaniga.
25/04/2026
Isbitaalka Hodan waxaa booqasho ku yimid Mohamed Mohamud Adow, Xoghayaha Guud ee Golaha NHPC, halkaas oo uu kulan la qaatay maamulka isbitaalka, laguna wadaagay aragtiyo ku saabsan horumarinta adeegyada caafimaadka.
Booqashadan waxay muujineysaa xiriirka iyo wada-shaqeynta muhiimka ah ee lagu horumarinayo daryeelka bulshada.
25/04/2026
Waxaa shaqada dib ugu soo noqday Dr. Abdihakim Elmi, dhakhtar ku takhasusay qalliimada guud iyo qalliimada carruurta Isbitaalka Hodan. Soo wac 1234 si numbarka dhakhtarka laguugu jaro..
24/04/2026
Isbitaalka Hodan ayaa qabatay olole caafimaad oo loogu talagalay indhaha, kaas oo diiradda lagu saaray hooyooyinka ku nool SOS Village Mogadishu, si loogu dabaaldego Bisha Wacyigelinta Caafimaadka Indhaha Haweenka.
Ololahan oo ay hormuud ka ahaayeen dhakhaatiirta qaybta indhaha Isbitaalka Hodan, ayaa lagu bixiyay baaritaanno indho oo bilaash ah, iyadoo sidoo kale la sameeyay daaweyn cudurrada kala duwan indhaha laga helay hooyooyinka ka faaโiideystay adeeggan.
Sidoo kale, hayโadda Charity Vision ayaa door muhiim ah ka qaadatay taageerada ololaha, iyada oo bixisay muraayado indhaha ah iyo daawooyin bilaash ah, taas oo si weyn u fududeysay helitaanka adeegyada indhaha bulshada nugul.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Abdiqasim Road, Hodan District
Mogadishu
BN0000