Ina Wabar
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Ina Wabar, Digital creator, Waaberi Road, Mogadishu.
11/08/2025
Guurka iyo nolosha addunyaba waxay sharaf leedahay markaad kulansto ku sifowga labadan xadiis ee hoose:
١.الدنيا متاع وخير متاعها امرأة صالحة
Addunyo khayrkeedu waa xaas wanaagzan o hesho.
.٢.كلكم راع وكلكم مسؤول عن رعيته
Mid waloo idinka mid ahi waa horjooge lagala xisaabtami doono wixi lo igmaday.
Awladada tarbiyayntoodu waa masuuuliyada ugu wayn kana mid ah kuwa ugu khayr ka badan ee u alle qof saaray waayo geeridaada dabadeed arimaha booskaga akhiro kor u qaadaya waxa ka mida ah ilmo aad tarbiyadiisa so wanaajisay ka bacdina kuso duceeyey markad dhimatay ka dib.
Qoysaska Soomaliyeed waxay 100% xogga saaran siday u dhisi lahaayen muuqa caruurtooda iyago moogsan maan iyo maskax in lo dhiso caruurta.
Muuqa qurxooni wuxuu jiri doona maalmo kooban balse maanka oo laga dhiso caruurta waxay jiri kartaaba intu aadmigu jiro.
15/10/2022
Xulka 17 Jirada dalkeena Soomaaliya ayaa ku guulaystay Koobkii Ciyaaraha Bariga iyo Bartmaha Afrika ee CAF, Ciyaar adag oo ka dhacday Garoonka Magaalada Addis Ababa ayey 3 iyo 1 ku garaaceen Kooxda South Sudan.
15/06/2022
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MAGACAABAY RA’IISUL WASAARAHA XUKUUMADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
Muqdisho, Juun 15, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si waafaqsan qodobka 90-aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah ugu magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa ka codsaday Xildhibaannada Baarlamaanka in ay degdeg u ansixiyaan, si uu uga howl galo arrimaha hortabinta u leh dowladdnimada Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo ku takhasusay culuumta maamulka ayaa ka soo shaqeeyey arrimaha dastuurka, waxbarashada iyo dowlad dhiska Soomaaliya, isagoo khibrad weyn u leh geeddi socodka siyaasadda dalka iyo dib u heshiisiinta, waxa uuna ka mid yahay aqoonyahannada Soomaaliyeed ee u istaagay samatabixinta waxbarashada dalka, kaddib burburkii dowladdii dhexe.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Raiisul Wasaare Xamse Cabdi Barre In uu soo dhiso Xukuumad tayo leh oo ka shaqeysa xoojinta amniga, gurmadka abaaraha, dib u heshiisiinta, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dowladnimada dalka, sidoo kalena hagaajisa xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay la leedahay dunida.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka codsaday shacabka Soomaliyeed in ay ku garab istaagaan Raiisul Wasaaraha cusub gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee horyaalla, isaga oo ugu duceeyey in uu ka soo dhalaalo masuuliyadda culus ee lagu aaminay.
DHAMMAAD
15/05/2022
Doorashada Dalka
Guddoomiyaha Kumeel gaarka ee BFS, Xoghayaha BFS, Xildhibaannadii laga soo doortay Ceelwaaq iyo Xildhibaanno kale oo goobjoog u ahaa dhaarinta xildhibaanada cusub, iyo Xubno Guddiga FEIT ah ayaa ka badbaaday weerar ay ku soo qaadeen kooxo qaswadeyaal ah, xilli munaasabadda dhaarintu ka socotay Airport Hotel ee garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.
Kooxdan oo bastoolado ku hubaysnaa, kuna harqiyey xabbo xarunta ay ka socotay dhaarinta Xildhibaanadu, ayay ilaalada Guddoonka iyo kuwa Airport Hotel oo iskaashanaaya iska caabiyeen, gacantana ku dhigeen qaar kamid ah.
Rabbi baa mahad leh naga badbaadshay iskudaygaas khaarijinta ah ee naloo soo maleegay. Intii aan ku gudajirnay Doorashada Baarlamaanka, ku dhawaaqista Natiijada iyo dhaarinta Xildhibaanada guud ahaan ba waxaa in badan la soo maleegay qorshayaashan oo kale, waxayna kuwada dhamaadeen in Allah (SW) uu fashiliyo.
Bulshada Soomaaliyeed waxaan ku bogaadinaynaa sida ay noola garab istaageen dhammeystirka doorashada, waxaana Baarlamaanka cusub ku boorrinaynaa inay waddanka ka saaraan xaaladdan hubanti la’aanta ah si loo samata-bixiyo ummadda Soomaaliyeed oo aan u dulqaadan karin dhibaato hor leh iyo xasilooni la'aan sii jiitanta.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Telephone
Website
Address
Waaberi Road
Mogadishu
Opening Hours
| Monday | 07:00 - 23:00 |
| Tuesday | 07:00 - 23:00 |
| Wednesday | 07:00 - 23:00 |
| Thursday | 07:00 - 23:00 |
| Friday | 07:00 - 17:00 |
| Saturday | 07:00 - 23:00 |
| Sunday | 07:00 - 23:00 |