DAILY SAIM
Wacaalka aduunyada warsidaha haya !
Cashuurta waa laf dhabarta dhaqaalaha dal lagu dhiso.
10/05/2022
Arooskaaga xitaa Waa laguu falanqeenaa saxiib✍🏻
16/02/2021
S/1- 22 September 2016 soo dhowayntii Magaalada Muqdisho loogu sameeyay murashax Madaxwyane soomaaliya Sheekh Shariif sh Ahmed,
( amniga Muqdisho dhexdhexad ayuu aha Maadaama waqti yar kahor Argagixisada laga saaray Gobolka Banadir, laakin ma jirin cabsi looga qabi karo in masuuliyiin sar sare soo weerari karaan).
S/2-3- sawiradan waa dhamaadkii sanadkii tagay 2020 Muqdisho Stadion Eng Yariiwoos ayaa lagu qabtay ciyaaraha Maamul goboleedyada iyo Gobolka Banadir maalin kastana kumanaan taageeroyaal ah ayaa kaso qaybgalayay iyo masuuliyiin dowlada DFS ka socatay,
( Coronavirus wuu jiray kumanaan ka kun ee fadhiyay garoonka loogama cabsan Coronavirus iyo halistiisa, amaanka garoonka dowlada si fiican ayay u sugtay, aad iyo aad ayaa loo amaananay saraakiisha taliyayaashii shaqadaas qabtay )
S/4- 28 janaayo 2021 Mw h**e JFS Mudane M Farmajo ayaa go’aansaday in uu saxiixo qaraarkii golaha shacabka Soomaaliya ee ahaa 13 kursi ee Aqalka sarre loogu daray shacabka Gobolka Banaadir isagoo iska riday culeeska siyaasadeed ee JP iyo PL kaga imanayay maadaama laga sugayay qabsoomida doorashooyinka dalka , boor isku qariskisii isagoo wata laba maalmood kadib 30 janaayo 2021 banaanbax ayay dowlada soomaliya soo abaabushay kaaso lagu taageeraayo go’aan qaadashada Farmaajo ee uu ku saxiixay 13 kursi, boqolaal shacab ayaana isugu soo baxay magaalada Muqdisho dhexdeeda.
( dowlada soomaaliya iyo Warbaahinteeda iyagoo doonaya jahwareerinta bulshada arinkas aad iyo aad ayay uqaadaa dhigeen fallanqeeyeen iskuna amaaneen , dhinaca kale Siyaasiyiinta dowlada iyo dadka taageero fallanqayntooda diirada ayay ku sareen in Mw h**e Farmaajo uu qaatay go’aan taariiqiya mudan yahay taageero loo muujiyo, laakin ma arag hal shaqsi siyaasi ama taageere oo iyaga kamida welwel ka muujiyay amniga iyo faafida Coronavirus, janaayo iyo feebraayo wax u dhexeeyo iska yar Coronavirus waa sidii ama ka hoose).
•hadaba dowlada soomaaliya warkeeda waa la jiifiyaana banaan la joojiyaana banaan, marka ay iyagu danleeyahiin mudaharaad iyo isu soobax waa la samayn karaa, amnigana wuu fiican tahay cabsi lama qabo , Coronavirus cid ka hadlaysa ma jirto,
•Murashaxiinta iyagoo markasta xaq u leh qabsashada Banaanbax Nabdoon, hadana hal jeer ayay ku baaqeen dibadbax taasoo sabab u ah. ~in madaxwanahii dalka waqtiga dhamaaday, ~in uu ilaabay qabashada doorashada, ~waliba aanu xiligaan la joogo haynin mudo cayiman oo uu doorasho qababan karo, ~ma jirto meel uu ku sheegay cilada iyo sababta uu u qaban wayay.
Intaa kadib waxaa aad iiga yaabiyay siyaasiyiin aqoonyahano dalkan xaladiisa la socdo oo ka walaacsan banaanbaxa 19feb lagu baaqay iyagoo aan sababta loo iclaamiyay banaanbaxa afkooga soo marsiin karin ayay sheegayaan dhibaatooyin dhalan kara hadii laysku soo baxo.
Shaqsiyaadka magaca iyo maamuuska ku dhex leh bulshada ee shacabka cabsida galinaya ee marmarsiyaha u sameenaya hadii laysku soo baxo, amni dara iyo Coronavirus ay sheegayaan waa uu jiray sanadkii lasoo dhaafay dad Inta ka badan waa isuyimaaden maxay markaa uga hadlin ayaad isleedahay oo ay hada dadka welwel ugu abuurayaan?
Hadalkooga waa difaaca farmaajo oo waqtiga ka dhamaaday yaanan caalamka iyo indhaha bulshada la tusin dib udhaca iyo doorasha la’aanta uu dalka galiyay, waxaysa marmarsiyo ka dhigteen amni daro ayaa jirta waligood h**e uma qiran intaas.
Dadka kuwoga caqliga leh ee fahmi kara fashilka Farmaajo iyo kooxdiisa waxay taaganyihin kuwaan cirka iyo Badda rinji noo mari yaan kaliya u dhiman hadaan layska qaban waxkasto waa ka filan karnaa. Allah beentooda ummada haka qabto.
Qore kamal
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Mogadishu