Galkaio
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Galkaio, Muqdisho.
04/12/2021
Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland S/guuto Maxamed Cali Xaashi Ayaa Dhawaan Magacaabay Hogaanka Baarista Gobalka Mudug
Mahad Cabdi Faarax Ayaa Lomagaacay Taliyaha Qaybta Baarista Gobalka Mudug Halka Kuxigeen Loo Magacabay Ibraahin Axmed Cabdiraxmaan
Mahad Cabdi Faarax Oo Muddo Kamid Ahaa Ciidanka Booliska Puntland Qaybta Baarista Ayaa Hadda Noqonaya Hogaanka Baarista Gobalka Mudug
Laba Xidigle Mahad Waa Nin Dhalinyaro ah Oo Wax Bartay Islamarkaana Waxbadan Kayaqaan Sharciyadda Ciidanka Booliska Iyo Howlaha Baarista
Qaybaha Bulshada Gobalka Mudug Iyo Dhalinyarada Ayaa Soo Dhaweyay Magacabista Takiye Waxayna Ku Amaneen Doorkii Uu Kulahaa Howlihii Ladagaalanka Malayshiyada Al-Shabaab Ee Gobalka Mudug
26/11/2021
Safiiradda Soomaaliya ee dalka Pakistan marwo Khadiija Al-makhzoumi ayaa maalintii shalay aheyd la gudoonsiiyey bilad sharafta safiirka ugu wanaagsan ee sanadka 2021. Biladda sharaftaan oo dalka Pakistan sanadkiiba mar labixiyo, laguma abaalmariyo safiirada dalalkooda sida wacan ugu adeega.
Safiirad Khadiija waxay abaal marintaan ku kasbatay ayadoo muujisay howl karnimo, firfircooni iyo sida ay u hormarisay xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Pakistan mudadii ay halkaasi safiiradda ka aheyd.
02/11/2021
Duqa Degmada Gaalkacyo Ee Galmudug Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Xasan iyo Dhigiisa Puntland Eng Maxamuud Cabdinuur Aadan oo ay Weheliyaan Saraakiisha Ciidanka Labada dhinac iyo odayaasha dhaqanka ayaa Deegaanka Cali-Waal ee Bariga Gobalka Mudug kaga qeybgalay Kulan lagu xoojinayay Nabadda iyo Wada Noolaanshaha Bulshada reer Miyigaa ee Galmudug iyo Puntland.
Kulanka ayaa daaranaa in ay Nabad ku wada Deganaadaan dadka reer guuraaga ah Ee halkaasi roobka ka degay Lagana digtoonaado Wax kasta Oo Nabadda iyo Xasiloonida Dhaawacaya.
Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi Galinta Dowlada hoose Degmada Galkacyo.
..
01/11/2021
Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa war saxaafadeed ay soo saareen bogaadiyay bilaabashada Doorashada Gollaha Shacabka oo maanta oo ay taariikhdu ahayd 1- Nofember-2021 la doortay labadii (2) xildhibaan ee ugu horeeyey ee Gollaaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyada Federaalka Somaaliya.
Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer fedaraal waxa ay u mahad celiyeen Ra'iisal Wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Roobleh oo dadaal xoogan galiyay qabsoomida Doorashada Gollaha Shacabka.
Waxa kale oo ay u mahad celiyeen guddiga maamulka doorashada kuraasta Somaliland (SEIT).
Sidoo kale Guddigu waxay ugu baaqeen dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka soomaaliya iyo guddiga maamulaya kuraasta banaadiriga in ay bilaabaan Doorashada Gollaha Shacabka, si looga gudbo marxalada kala guurka ah ee wadanku jiro.
29/10/2021
Gudomiyaha Degmada Warta Nabadda Saynab Xabsay Hadana Ah Murashax Xildhibaan Aqalka Hoose Ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo Kulana Muhiim Laqaadatay Qaybaha Bulshada Gobalka Mudug Iyo Masuyiin
Saynab Xabsey Oo Waxbadan Kaqabatay Deegaanada Ay kasoo jeedo ee Gobalka Mudug ayaa isu tagtay Kamid Noqoshada Xildhibaanada Soomaaliya Ee Loo Darban yahay Doorashadooda
Qaybaha Bulshada Iyo Masuuliyiinra Gobalka Mudug ayaa Cod Dheer Kudalbaday In Saynab An Kursiga Xildhibaan Lagula Tar Tamin Madama A6 Mujisay Wax qabad wayn
Majiraan Ilaa Iyo Hadda Murashax Saynab akela Tar Tami Kara Kursiga ay Utar Tamayso Madama Bulshada Iyo Masuuliyiinta Ay Bar Bar Tagan yihiin
Culimada Gobalka Mudug Ee Ahlusuna Oo Dalbaday In Lajoojiyo Dagaalka Guriceel
Click here to claim your Sponsored Listing.
Contact the establishment
Telephone
Website
Address
Muqdisho
2