Healthfy
Healthfy : Make your clinic visits cashless paperless and painless
19/11/2018
Fitamiinada Dabiiciga ah iyo qudaarta laga helo
-------------------------------------------------------------------------
Fatamiinnada waa waxyaabo badanaa jirka uusan samayn laakiin cunnada iyo cabitaananda laga helo, waa walxo muhiim u ah shaqada jirka si aad u hesho nolol caafimaad leh.
Fitamiinnada way badan yihiin, mid walbane wuxuu ka qeyb qaataa shaqo gooni ah ama wuxuu wax u taraa xubin jirka ka mid ah.
Fitamiinka hadduu qofka ku yaraado waxuu dareemaa astaamo u gaar ah fitamiinkaas jirka ka maqan, hadduu qofku xanuusnan yahay ama uusan qaadan karin cunno isku-dheelli tiran ama u baahan yahay fitamiin dheeraad ah sida xililga uurka oo kale waa in uu qaataa iyadoo daawo ah si jirka uu uga faa'idaysto, laakiin intaas haddii aysan jirin oo qofka cunnadiisa isu dheelli tiran tahay, uma baahna kaniini ama sharoobo fitamiin ah.
Fitamiinka oo kugu bato iyadane waxay keentaa dhibaatooyin kale oo caafimaadka waxyeelleen kara.
Fitamiinnada ugu muhiimsan jirka waxaa ka mid ah:
1- Vitamin A: Wuxuu muhiim u yahay caafimaadka indhaha, wuxuu xoojiyaa aragga, wuxuu kaloo ka qeyb qaataa daryeelka ilkaha, lafaha iyo maqaarka.
Qofka markuu ku yaraado waxa ugu horreeyo ee lagu dareemo waxaa ka mid aragga oo daciif noqdo khaas ahaan xilliyada mugdiga sida habeenka oo kale.
Waxaa fitamiinkaan laga helaa korootada, beerka, kalluunka, caanaha khamiirsan, ukunta qeybteeda jaallada ah.
2- Vitamin B1: waxaa kaloo loo yaqaannaa "Thiamine" wuxuu muhiim u yahay in unugyada jirka ay tamar ka sameystaan cunnada karboohaydaraytka leh, wuxuuna u muhiim u yahay haweenka uurka leh, wuxuu kaloo muhiim u yahay murqaha iyo caafimaadka wadnaha iyo unugyada neerfaha. waxaa lagu fahmaa qofka uu ku yaryahay xanuun barar wadnaha iyo murqaha wadnaha oo weynaado taasoo keento howlgab wadne u gaar ah fitamiin yarida noocaan ah.
Waxaa laga helaa caanaha la qallajiyay sida booraha oo kale, ukunta, digirta, lowska, qamadiga, gallayda, sabuulka iyo masagada.
3- Vitamin B2: waxaa kaloo loo yaqaannaa "Riboflavin" wuxuu caawiyaa fitamiinnada kale, wuxuuna muhiim u yahay korriinka jirka iyo soo saaridda unugyada cascas ee dhiigga, sidaa darteed dhiig-yarida ayuu ka hortagaa.
Wuxuu kaloo caawiyaa soo saaridda fitamiin B3 iyo B6.
Waxaa laga helaa qudaarta, saladka, koostada, ukunta, caanaha iyo hilibka lo'da, caanaha fadhiga iyo saliidda kalluunka.
4- Vitamin B3: Fitamiinkaan waxaa kaloo loo yaqaannaa "Niacin" wuxuu muhiim u yahay maqaarka iyo neerfaha, wuxuu kaloo si gooni ah uga duwan yahay fitamiinada kale in uu hoos u dhigo dufanka dhiigga ee loo yaqaanno "Kolestaroolka".
Fitamiinkaan waxa jirka ku yareeyo cabidda khamriga, waxaa lagu gartaa markuu jirka ku yaraado dheefshiid xumo, caajis, maqaarka oo si sahlan u dillaaci karo, lalabo, matag iyo diiqad ama niyadjab. markuu jirka uu aad ugu yaraado wuxuu keenaa xanuun loo yaqaano "Pallagra" oo lagu garto maqaarka oo dildillaacsan, shuban badan iyo dhimir beelis.
Waxaa laga helaa afokaadada, ukunta, rootiga badarka laga sameeyay, kalluunka dhanaan, loosta, baradhada macaan iyo hilibka.
5- Vitamin B6: Fitamiinkaan waxaa kaloo loo yaqaannaa "Pyridoxine" wuxuu jirka u sameeyaa unugyada dhiigga cascas, wuxuu kaloo kobciyaa shaqada maskaxda, wuxuu kaloo ku caawiyaa borotiinka in uu jirka ka faaidaysto, wuxuu kaloo caawiyaa farriiimaha dareenka ee neerfaha khaas ahaan kuwa addimaha.
Waxaa jiro daawooyin yareeyo fitamiin-kaan sida daawada tiibishada oo kale, waxaana la siiyaa qofka tiibishada laga daaweynayo daawadaan oo kaniini ah.
Waxaa laga helaa afookaadada, hilibka noocyadiisa kala duawan, digirta, gallayda, mooska iyo lowska.
6- Vitamin B12: Fitamiinkaan waxaa kaloo loo yaqaanaa "Cobalamin" waa fitamiin aad ugu muhiimsan habdhiska neerfaha jirka, wuxuu kaloo caawiyaa samayska unugyada cascas e jirka, qofka markuu ku yaryahay waxaa laga dareemaa dhiig-yari u gaar ah fitamiinkaan oo loo yaqaano "prenicious anemia" iyo dareenka neerfaha loo jirka ka tago khaas ahaan lugaha oo gaari kara heer in qofka u curyaamo dartiis, laakiin nasiib wanaag waa fitamiin jirka uu keydin karo hadduu qofka ku yaraado waxaa laga isticmaalaa keydka.
Waxaa laga helaa hilibka, ukunta, caanaha iyo wixii laga sameeyay, beerka, kilyaha iyo aargoosatada.
7- Vitamin C: waxaa kaloo loo yaqaannaa "Ascorbic Acid" waxuu muhiim u yaha caafimaadka ciridka, ilkaha, maqaarka wuxuu jirka ku caawiyaa inuu cunanda ka nuugo birta, wuxuu kaloo qeyb muhiim ka ciyaaraa raysashada ama boksoshada nabraha iyo isu keenidda maqaarka, markuu qofka ku yaraado waxa ugu horreeya ee lagu fahmo waa cirridka oo dhiigo wuxuuna keenaa xanuunka "Yiridka" waxaa laga helaa yaanyada, liinta, kabajka, baradhada iyo ananaaska.
8- Vitamin D: Wuxuu ka mid yahay fitamiinnada ay soomaalida safiican u taqaano khaas ahaan dadka ku nool dhulalka qabow ama barafka ka da'o waxaa laga helaa qoraxda iyo cunanda. 10 illaa 15 daqiiqo oo qoroxda la isku dhigo 3 jeer usbuucii way ku filan tahay in qofka uu fitamiinkaan ku filnaado, sidaa awgeed dadka meelahaa ku nool waa in fitamiin D-ga ay qaataan. hadduu jirka ku yaraado wuxuu keenaa xanuunka Gedefka "Rickets" iyo lafobeelka "Osteoporosis" wuxuu kaloo fitamiinkaan hadduu jirka ku yaraado yareeyaa maadada kaalsiyamka "Calcium" oo iyadane muhiim u ah lafaha.
marka wuxuu muhiim u yahay caafimaadka lafaha iyo ilkaha.
Waxaa laga helaa kalluunka dufanka leh, saliiddka beerka kalluunka, caanaha la warshadeeyay sida cheese-ka, fadhiga iyo caanaha subagga leh.
9- Vitamin E: Fitamiinkaan wuxuu caan ku yahay in uu sunta jirka ka hortago wuxuu caawiyaa samaysanka unugyada dhiigga cascas, wuxuu kaloo ku caawiyaa jirka inuu ka faa'idaysto fitamiin K-ga.
Waxaa laga helaa afokaadada, saliida gabaldayaha, cambaha, babayga, saliidda gallayda iyo khudaarta mugdiga ah.
10- Vitamin K: Fitamiinkaan jirka wuu samayn karaa, waxaana lagu sameeyaa beerka wuxuu muhiim u yahay qulqulka iyo socodka dhiigga, si uusan u xinjiroobin, badanaa jirka kuma yaraado illaa inuu beerka xanuunsan yahay mooyee.
Waxaa laga helaa kabbajka, kalluunka ukunta, beerka iyo hilibka lo'da.
11- Folic Acid: wuxuu la shaqeeyaa fitamiin B12 wuxuuna keenaa dhiigyari hadduu jirka ku yarayahay waana in la siiyaa haweenka uurka leh wuxuu muhiim u yahay samayska DNA oo ah macnaheeda waa muhiim markii unug cusub la samaynaayo, haddii hooyada uurka leh aysan qaadan fitamiinkaan ama uu ku yaryahay waxaa la arkaa in ay dhasho caruur dhabar furan ama san faruuran.
Waxaa laga helaa gallyda, digirta, salbukada, falfalliirka, oranjada, liin balbeelmada, saliidda lowska, khudaarta iyo khamiirka cuntada lagu daro.
Xaquqda qoraalka waxaa iska leh somalidoc
17/11/2018
Weli malaguu sheegay faaiidada Karootada Iyo heerka caafimaad oo eey lagaartahay?
---------------------------------------------------------------------------
Karootadu waxay ka mid tahay cunnooyinka ay soomaalidu taqaano, lagana helo dhulkooda, karootadu waxay leedahay faa'idooyin badan oo aan ahayn kaliya in aragga ay wax u tarto, waxaan halkaan ku soo koobayaa dhowr cudur oo karootada ka hortag ahaan loogu qaato:
Kolestaroolka: Diraasad lagu sameeyay dad qaba cudurka kolestaroolka oo ku nool dalka ingiirska waxaa ka soo baxday in heerka kolestaroolka uu hoos u dhacay boqolkiiba 11% markii ay qaateen in ka yar rubac karooto ah maalin kasta muddo sadax usbuuc ah, sidaas awgeed haddii xanuunkaan lagugu sheegay ama aad halist ugu jirtid, ku dadaal cunista karootada si aad uga maarantid daawo,
Caafimaadka Wadnaha: Diraasad ay sameeyeen cilmibaarayaal u dhashay dalka Sweden waxay soo daabaceen qoraal ka hadlayo sida ay karootada uga hortagto cudurrada wadnaha iyagoo isbarbardhigay dadka joogteeyo karootada iyo dadka aanan qaadan,
Dhiig-karka: Karootada waxaa ka buuxo maado loo yaqaano "Potassium", waxay jirka u tartaa inay waasiciso xididada dhiiga khaasatan markuu cadaadiska dhiigga uu kaco, waxaa kaloo karootada ku jiro maado kale oo loo yaqaano "Coumarin" oo iyadane cadaadisak dhiiga kontaroolkisia ka qeyb qaadato, haddii dhiigkarku kugu cusub yahay, isticmaal karootada maalin kasta oo joogteey adigoo cadaadisak dhiigaagane cabira si aad u ogaato waxtarkeeda,
Difaaca jirka: Karootadu waxay ka mid tahay cunnada difaaca jirka sare u qaado, taasoo firfircooni ku abuurto unugyada cadcad ee jirka ka difaaco caabuqa noocyadiisa kala duwan, akhriso qoraal ku saabsan Unugyada cadcad iyo waxay ay jirka u taraan.
Dheef-shiidka: Sida cagaarka oo kale ayay karootada u wanaajisaa dheefshiidka iyo shaqada caloosha iyo mindhicirrada qofka, waxay ka hortagtaa calool fadhiga, taasoo yarayso halista baabasiirka,
Kansarka: Karootada waxaa ka buuxo maado la yiraahdo "Beta-carotene" maadadaan waxay yaraysaa halista kansarada khaasatan kansarka sambabka, waxaa la arkay haddii qofka maadadaan uu ka qaato 2.7 milligram maalin kasta inay yaraynayso halista kansarka boqolkiiba 40% markii lagu tijaabiyay dadka sigaarka aad u cabo, cilmibaaris kale waxaa lagu arkay inay yarayso halista kansarka malawadka ku dhaco, taasi waxay na tusinaysaa in karootadu ay faa'ido ka hortag oo aad wayn in ay leedahay haddii la joogteeyo.
Aragga iyo Caafimaadka Indhaha: Karootada waxaa ku jirto maaddo la dhaho "beta-carotene" oo indhaha faaido ugu jirto oo siyaadiso awoodda aragga. Markii karootada la cuno, maadadaas waxaa la geeyaa beerka, kadib beerka wuxuu u badalaa Vitamin A, kadib Vitamin A-ga waxay ishu u sii badashaa maadada muhiimka ah ee isha u baahan tahay oo loo yaqaano "rhodopsin" waana maadada u qaabilsan aragtida midabka. Maadada "beta-carotene" waxay kaloo ka hortagtaa dhaawaca sonkorta isha ay gaarsiiso iyo caadka indhaha fuulo. Karootadu waxay kaloo ka hortagtaa daawane u tahay xanuun ku dhaco indhaha loona yaqaano "Macular Degeneration", cilladaani waxay timaadaa qofka markuu duqoobo.
Caafimaadka Ilkaha: Karootadu waxay kordhisaa calyada, waayna la dagaallantaa bakteeriyada afka ku dhalato, sidaasne waxay ku yaraysaa suuska iyo bololka ilkaha.
Faaliga / Storke: Waxaa la yiraahdaa karootada oo maalin walba la cuno waxay yaraysaa halista faaliga boqolkiiba 68%, sababtuna waa maadada aan kor ku soo tilmaamay ee "Beta carotene" oo maskaxda u roon,
Macaanka / Sokorowga: Karootadu waxay kontarooshaa heerka sonkorta ee dhiigga, waxayna ka hortagtaa howlgabka ama firfircooni yarida unugyada soo saaro insulinta, khaasatan waxaa lagula taliyaa dadka sokorta ugu isticmaalayo daawo ahaan in ay shiitaan oo juus ama cabitaan ahaan u cabaa iyadoo sokor lagu darin.
Waxay karootadu waxtarkeedu badan tahay inta aan la karin, sideeda ayaa loo cuni karaa ama waa la shiidan karaa oo cabitaan ahaan ayaa loo cabaa
Lawadaag Bulshada kale si eey u gartaan waxtarka Karootada.
12/11/2018
Baaritaan dalka Britain laga sameeyey ayaa sheegaysa in guurka uu yahay mid u fiican wadna xanuunka.
------------------------------------------------------------------------
Daraasad oo mudo 13 sano wax ka badan la waday ayaa amuurtani lagu ogaaday.
Dad ka badan sagaal boqol oo kun oo qof ayaa su'aalo la weydiiyey.
Dadkan su'aalaha la weydiiyey ayaa qabbay xanuuno xiriir la leh cudurada wadnaha ku dhaca.
Waxaana cilmi-baaristaasi lagu ogaaday in dadka guursada ay ka nolol dheer yihiin kuwa aan guursan.
Sidoo kale dadka la xanuunsan cudurada sonkorta ama macaanka iyo dhiigkarka ayaa iyagana la sheegayaa inuu guurku u fiican yahay.
Cilmi-baarayaashani ayaa sidoo kale aaminsan in wada noolaanshaha lamaanaha isguursada ay tahay caafimaad qab.
Xuquuqda qoraalka waxaa iskaleh BBC
11/11/2018
Faiidada Cabida Biyaha Badan Iyo dhibaatooyinka Ka dhasha Hadii Aadan Biya fiican cabin
----------------------------------------------------------------------------
Iyadoo la isku raacsanyahay cabista badan ee biyaha in ay ahmiyad gaar uleedahay dadka ayey haddana dad badan oo aan ku baraarugsaneyn faa’iidooyinka caafimaad ee cabsita biyaha ayaa waxaa jira dad badan oo aan cabista biyaha badsan.
Waxaa muuqanaya sawirro muujinaya in dadka qaarkood ay aragtidoodii h**e ee cabista biyaha ay wax ka badaleen, dadkan ayaa isgu jira kuwo helay waanooyin dhaqtareed oo ah in ay biyo badan cabaan iyo dad looga sheekeeyey faa’idooyinka kala duwan ee cabidda biyaha ay u leeyihiin naflaha.
Waxaa daliil u ah arrintaan oo muujinaya fahamka biya cabista iyadoo ay caadi noqotay in lagu arko goobaha shaqada iyo wadooyinka dad wata caagag casri ah oo sida galaaska u sameysan kuwaas oo biyo lagu soo dhaamiyey.
Xasan Bashiir Maxmaed oo ka mid ah dadka kunool magaalada Muqdisho ayaa kamid ah dadka sida joogtada ah biyaha u caba hadaba muxuu faa’ida ah uu ka dhaxlay.
“ Biyo cabista waxaan ka fahmay maqaarka oo aad u qurxanaanayo, biyaha waxaa ay ka hortagaan cudurrada qaar iyo Feyruusyada”.
Badanaa dhaqaatiirta ayaa talooyin waxaa ay bulshada ku siiyaan inay badiyaan cabista biyaha oo xanuunno badan ay kaga baaqsan karaan, waxaana dadkaasi qarkood ay sidaasi ku dhaqan-galiyeen talooyinkii waxaa ka mid ah yuusuf Cabdiraxmaan oo hadda bilaabay inuu qaato talada dhaqtarka.
“ Qofka marka uu biyaha badsado waxaa uu iska dareemayaa caafimaad wanaagsan aniga inaan biyaha cabo waxaa igula taliyey dhaqtar”.
Cabista biyaha badan caafimaad ahaan waa u side dadka waxaa ka hadlaya Dr Cawaale Maxamed Cabdullahir “ Cabista biyaha waa kaalin asaasi u ah qofka noloshiisa, waxay difaacaan cudurro badan xidida jirka ayey qooyaan qofka waxaa ay u furan cuntada qaar ka mid h cudurrada waa u daawo oo ay ka midka yihiin daalka”.
Qoraaga Xaquuqda uleh qoraalka waa Cabdiwahab Maxamed Ibraahim
Maskax caafimaad qabta ayaa go.aamisa fegrada wanaagsan.
08/11/2018
Ma uleedahay Toontu wax Muhiimad ah Caafimaad keena ?
------------------------------------------------------------------
Toonta ama Tuuntu waxay ka mid tahay geedo daaweedyada fara ku tiriska ah ee ummado badan isku waafaqsan yihiin waxtarkeeda caafimaad ayna soo isticmaali jireen xadaaraad h**e oo caalamka soo maray.
Toonta waxay kaloo ka mid tahay geedo daaweedyada uu rasuulkeena suuban nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee uu nagala dardaarmay in aan xanuunada iskaga daawayno.
Toonta waxay kaloo ka mid tahay geedo daaweedyada ay cilmibaarayaashu isku waafaqeen waxtarkeeda caafimaadkeeda.
Haddiiba faa'idadeeda uusan shakii ku jirin bal aan ka hadalno xanuunada lagu daaweeyo iyo qaabka ay wax u tarto intaba:
Toonta waxaa ku jirto maaddo loo yaqaano "Allicin", waana maadada carafta tuunta xambaarsan iyo awoodda daaweed ee tuunta
Waxyaabaha nafaqada leh oo toonta laga helo waxaa ugu horreeyo Manganese, fitamiin B6, fitamiin C iyo maadada Selenium, waxaa kaloo ku jiro qadar yar oo kaalsiyam, copper, bootaasiyam iyo bir ah.
Toonta waxay sare u qaadaa difaaca jirka, waana sababta loogu adeegsado xanuunada uu fayraska keeno sida ifilada, durayga iyo hergabka, waxaana la arkay in halista hergabka ay yarayso boqolkiiba 70% markii toon la isticmaalo, ka akhriso halkaan cunnada kale ee hergabka lagu daaweeyo:l
Toonta waxay hoos u dhigtaa dhiig karka, waana arkay dad badan oo toonta u isticmaalo inay ku xakameeyaan cadaadisk dhiigga, sadax diraasad oo lagu sameeyay toonta waxay sheegeen in haddii aad qaadatid qadar 600 illaa 1500 mg oo toon ah maalintii inay la mid tahay adigoo qaata kaniiniga dhiigkarka ee loo yaqaano "Atenolol", sidaasne uu dhiigga lagu kontarooli karo, maadaama qadarka toonta ee halkaan ku xusan uu badan yahay oo ay dhici karto inuusan qofka qaadan karin maalintiiba, waxaa habboon in aad tuunta u isticmaasho dhiig-karka markuu cusub yahay ama billaw yahay, laakiin hadduu aad u kaco, waa in aad daawo qaadatid.
Toonta waxay hoos u dhigtaa kolestaroolka xun ee loo yaqaano "LDL", waxay kaloo hoos u dhigtaa dufanka loo yaqaano "Triglyceride" oo wadnaha u daran, waxaa jiro dhowr diraasad oo ku talinayso in kolestaroolka lagu xakamayn karo cunista toonta joogtada ah.
Toonta waxaa alle ku abuuray maado ka hortagto xanuunada hilmaanka maskaxda keeno sida alzheimers iyo dementia, qaabkane waa in iyadoo jirka ka saarto waxyaabaha dhibkaas keeno oo maskaxda howlgabiyo in ay ka takhallusto iyadoo adeegsanayso qaab loo yaqaano "Detoxification", sidaas awgeed maadaama dhiigkarka ay yarayso, kolestaroolka ay xakamayso, shaqada maskaxdane ay wanaajiso waa daawo u roon duqowda.
Toonta waxay kordhisaa firfircoonida iyo gubista tamarta xilliga jimicsiga ama Gym-ka, wayna ka wanaagsan tahay kana caafimaad badan tahay daawooyinka la sheego in murqaha lagu dhiso oo leh waxyeello badan, haddii aad jimicsi samaysid ku dadaal in aad joogtaysid cunista toonta, waxaana arrintaan laga ogaaday taariihkda giriigga iyagoo orodada marathon-ka siin jiray toon inta aysan orodka billaabin, waana sir waqti dambe la ogaaday.
Dadka ka shaqeeyo warshada kiimikada sameeyo sida rasaasta ama "lead" waxa loo yaqaano waxay aad ugu dadaalaan cunista toonta iyadoo la arkay inay jirka ka saarto suntaas, waxayna ka hortagtaa astaamaha ay dadkaas badanaa dareemaan sida madax xanuunka iyo dhiig-karka.
Toonta waxay kobcisaa caafimaadka lafaha khaasatan dumarka iyadoo siyaadiso hormoonka estrogen, kaasoo hadduu yaraado u qaabilsan daciifinta lafaha, akhriso qoraal aan uga hadalnay arintaas:
Toonta waxay la dagaallanta gooryaanada iyo jeermiska mindhicirrada galo iyadoo alle siiyay awood suuxin oo gooryaanka ku suuxayo taasoo caloosha si sahlan iskaga soo saari karto, badanaa cilmibaarayaashu waxay sheegeen in dadka joogteeyo cunista toonta inay ku yartahay bahallada iyo gooryaanada caloosha galo, haddii dhibato kaa haysato caloosha fadlan ku dadaal toonta oo ku nadiifi mindhicirradaada.
Toonta waxaa kaloo loo adeegsadaa qandho jabis, qufaca, madax xanuunka, caabuq sanqada, kalagoysyo xanuunka, baabasiirka, xiiqda, buronkiitada, qaniinyada masaska iyo dabaqallooca, wuxuuna rasuulka noo sheegay in haddii toonta la saaro meel uu bahal kaa qaniinay iyadoo la tumay waxay jirka ka soo dhuugtaa sunta iyadoo ilaahay idinkiisa ka hortagto in sunta ay dhiigga raacdo, intaas aan soo tilmaamay oo lagu daray ku daawaynta xiiqdheerta, saliilyada ilkaha, cambaarta basada gasho waa wax cilmibaaris lagu sameeyay oo la arkay waxtarkooda.
Waxaa hadda jirto cirbad laga sameeyay toonta oo loo adeegsado feero xanuunka aan daawada waxba ka tarin.!!!
Xaquuqda Qoraalka SOMALI DOC.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Muqdisho
252
Opening Hours
| Monday | 00:00 - 23:59 |
| Tuesday | 00:00 - 23:59 |
| Wednesday | 00:00 - 23:59 |
| Thursday | 00:00 - 23:59 |
| Friday | 00:00 - 23:59 |
| Saturday | 00:00 - 23:59 |
| Sunday | 00:00 - 23:59 |