Karanle Community in Uganda

Karanle Community in Uganda

Share

Bartaan waa bogga rasmiga ah ee Karanle Community in Uganda

Photos from Karanle Community in Uganda's post 21/10/2025

GUDOOMIYAHA CUSUB EE DHALLINYARADA IYO ARDAYDA KARANLE EE DALKA UGANDA

Doorashada Guddoomiyaha cusub ee Dhallinyarada iyo Ardayda Karanle ee Dalka Uganda oo dhacday 18 October, 2025, maalin Sabti ah ayaa loogu doortay Mohamed Ahmed Iman ( Mohamed Sancade ) Guddoomiyaha Dhallinyarada Karanle ee Uganda.

Waxaa munaasabadda goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Guud Jaaliyadda Karanle Dalka Uganda, Nabadoon Guuled Mohamed Abdurahman ( Boqolson), waxa ayna guud ahaan Jaaliyadda Karanle ee Uganda soo dhawaynayaan guddoomiyaha cusub, waxa ayna u rajaynayaan in Eebbe ka yeelo midkii hoggaankiisa lagu diirsado, taladiisana lagu tanaado.

Ugu dambayn, waxa ay Jaaliyadda u mahadcelinaysaa Dhallinyaradii ka qaybqaadatay doorashada ee suurtagaliyay qabsoomidda munaasabaddaas. Waxa ayna guud Jaaliyadda dadkeeda kula dardaarmaysaa midnimo iyo isku xirnaan.

Wabillaahi-Towfiiq.

Want your organization to be the top-listed Non Profit Organization in Kampala?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Website

Address


Kampala