Dheeho.com

Dheeho.com

Share

Event

13/05/2026

👉1️⃣5️⃣-️Ka-May":Maalin Mucaaradka u calaamadeysan, Argagixisadu ay ka sheegato, Soomaalidana u daartay rajada Iftiin cagaaran✍️ Elmi Osman Farah Boodhari 🔥

Isbadelkii dalkeena ka dhacay 15-kii May 2022-dii oo dadka Soomaaliyeed ay isaga hor wareejiyeen maamul aan wax masuuliyad ah iska saarin waxa ka qabashada dhibaatooyin nabadgalyo-daro, bulsho, siyaasad iyo dhaqaale oo dalka ka jiray ayaa talada ku soo celisay Madaxweyne Geesi ah oo taagaan goobaha dagaalka si uu kor u sii qaado kalsoonida ciidamada iyo kan dadweynaha.

Xasan shiikh ayaa badaly 1️⃣5️⃣-kii May 2022dii hogaan Iska daa in uu dan iyo hello ka yeesho dhibaatadii alshabaab ay ku heysay shacabkee lagu xamanayay dadkii ku hareereysnaa qaarkood inay xiriiro la lahaayeen Argagixisada.

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud wuxuu faraska u kooreeystay baacsiga Alshabaab oo 5_tii sano ee Farmaajo aan Arkin wax Iska caabin Ah🏇Kadib ku soo laabashadiisii masraxa hogaanka dalka :

Hanaanka jiheeynta dowladnimada Casriga ah ee uu tilmaamay Madaxweyne Xasan Shiikh, waxaa la Jilba careeystay Xukuumadda Raysilwasaare Xamza oo maalmo ka dib Magacaabistiisii furay halgan ku aadan sidii loo kala saari lahaa Isdhexgal xidido aastay intii lagu jiray nidaamkii farmaajo oo dhexmaray Argagixisada Alshabaab Iyo heyaddaha amaanka dowlada.

📌Jidka Soomaaliya u Soo Xambaaray Rajada Dowladnimada"

Hadii maanta ay Indhahayagu qabanayaan xukuumada u taagan illaalinta xasiloonida Dadweynaha, Xoojinta Amniga" iyo hiigsiga yoolalka horumarka waara wax yar xusuustaada dib u celi oo jaleec sida xaalka dalkeenu uu ahaa 4-sano ka hor amni, siyaasad iyo dhaqaale, iyo bulsho.

Ma, sahlaneyn in la maleeyn karay imaanshaheena halkaan ilaa aan soo gaarno Isbadelkii dhaliyay dib ugu soo laabashadii Talada dalka ee Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

✔️Guulaha laga gaaray adkeeynta Midnimada dalka oo Iskuday lagu waxyeeleynayo kala kala kulantay Itoobiya Iyo Israel

✔️Xoojinta awooda dibolomaasiyadeed ee Soomaaliya ee fagaarayaasha caalamka iyo Isku dheelitirka siyaasadaha gobolka iyo caalamka

✔️Hirgalinta sharciyo muhiim ah oo dalku yeeshay ooy ku jirto dhameeystirka Dastuurka

✔️Qabashada doorashooyin dadweyne oo ka hirgalay 57 sano kadib gobolada Bamaadir, Shabeellada hoose, Baay Iyo Bakool

✔️Kor u qaadista awoodda, tayada iyo tirada ciidamada Soomaaliya Iyo Howlagalada ka dhanka ah Argagixisada iyo gooni u goosadnimada

✔️Qaadista cunaqabteyna hubka, Ku biirista daladda EAC, Talaabooyinkii deyn cafinta ayaa tusay 4-sano oo ka qeyr iyo barko badan 5 tii sano ee naga luntay

📌15-ka May" Maalin Argagixisada Soo Gaabisay

Dagaal dhinacyo badan leh oo Xasan Sheekh la galay Argagixisada Al-Shabaab ayaa mira-dhal noqday, Iyadoo guulaha laga gaaray gulufka lagu ekeeyay xagjirnimada rabshadaha wata uu yahay mid dhadhansiiyay neecaaw macaan bulshooyinka deegaanada la xoreeyay ooy ku jiraan kuwa caasimada.

Argagixisada ayaa wajhday cadaadis adag oo ka yimid dowlad iyo dadweyne iskaashanaya tan iyo markii Madaxweyne Xasan Shiikh uu kabaha u gashtay sidii uu dalka uga sifeyn lahaa cadow 4 sano ka hor canshuur ka qaadanayay dakadda Muqdisho

Tiro dhagar argagixiso iyo shirqoolo qaraxyo oo la fashiliyay iyo howlgalo joogta ah oo habeen iyo maalin ah ayaa hoos u dhigay dhacdooyinkii amnidarrada ee kooxaha argixisada alshabaab.

Nidaamkii xukun ee u dhisnaa kooxda xagjirka ah ayaa burburay, haddii ay ahaan lahayd qaababkii maamul, maaliyadeed iyo midkii ciidan” waxaana u haray talaabo kale oo ciribtir ah.

📌Dib Ha U Laabanina

Guulahani waxay sii wadaan inay ku dhismaan maalin kasta horumar, waxayna muujinayaan ballanqaad cad oo ku aaddan dowladnimo madax-bannaan, midnimo dhuleed, iyo iskaashi halkii ay ka ahaan lahayd ku tiirsanaanta hagitaan daaha gadaashiisa ah.

Soomaaliya waxay hadda ku jirta kala-guur natiijo leh, dalku waxaa uu ka fogaanayaa xasillooni-darro daba dheeraatay, dib u dhiska hay'adaha dowliga ah, iyo soo ifbaxista jilaal madax-bannaan oo leh muhiimad gobol ayaa sii kordheya, Iyadoo Maareynta maaliyadda dadweynaha ayaa soo hagaagatay.

Isku soo duub hadal-heynta Mucaaradka ee 15ka May ee 2026-da waxay noqon doontaa maalin tijaabineysa xadaarada Soomaaliya oo baareysa Horumarka Dowladnimada Iyo amniga soo hagaagay inay leedahay tiirar dadweyne oo ilaalshanaya.

12/05/2026

👉Bandhigga 79aad ee Filimada Cannes ayaa furmay Talaadadii, iyadoo inta lagu guda jiro munaasabada la soo bandhigayo filimada ku guuleystay abaalmarinta Palme d'Or-ka caanka ah.

📌Dad caan ah oo ka kala yimid adduunka oo dhan ayaa ka qeybgalay tartanka sharafta shineemooyinka Cannes, ee Faransiiska, Liiska martida sanadkan waxaa ka buuxa xiddigo kaliya ma,ahan

📌Demi Moore, Stellan Skarsgård, Ruth Negga iyo Chloé Zhao oo ka mid ah guddiga xeerbeegtida ayaa ka qeybgalay dhacdada iyadoo, filimaan badan oo leh jilayaal xiddigo ah ay ku tartamayaan Palme d'Or-ka caanka ah ee Faransiiska.

📌Bandhigga Faransiiska ee Riviera wuxuu ku bilaabmay maamuus loo sameeyay Peter Jackson,oo ahaa filim sameeyaha "Lord of the Rings" siiyay sharaf Palme d'Or-Waxaa sidoo kale la soo bandhigay Elijah Wood, oo jilay filimk Frodo Baggins.

📌Hawsha lagu dhawaaqayo in xafladdu si rasmi ah u furan tahay waxay u dhacday Jane Fonda oo 88 jir ah iyo Gong Li, oo ah jilaaga Shiinaha iyo Singapore.

📌Bandhigga xeerbeegtida go'aan ka gaari doonta Palme d'Or - sharafta ugu sareysa Cannes - xubnaha xeerbeegtida ayaa si cad uga hadlay qabashada xaflad filim xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed.

📌Xeerbeegtida sagaalka xubnood ah waxaa guddoominaya Park Chan-wook, oo ah filim sameeyaha Kuuriyada Koonfureed ee "Oldboy" iyo "No Other Choice," oo sheegay in siyaasadda iyo shineemadu ay is barbar socdaan.

📌Xubnaha kale ee xeerbeegtida waxaa ka mid ah Chloé Zhao, Stellan Skarsgård, Ruth Negga iyo Demi Moore, kuwaas oo laba sano ka hor loogu dabaaldegay Cannes bandhiggeedii soo laabashada ee filimka "The Substance." James Franco wuxuu ahaa marti lama filaan ah xafladdii furitaanka.

📌Naadiyada filimada iyo Paul Laverty oo ah Qoraaga Filimada iyo xubin ka tirsan xeerbeegtida Cannes Film Festival 2026 ayaa dhaleeceeyay Hollywood-ka oo qaadacay jilayaasha ka soo horjeeda xasuuqii Gaza, isagoo xusay qosolka ku jira boorar xafladeed oo ay ku jirto Susan Sarandon, oo sheegtay inay lumisay wakiilkeedii ka dib markii ay ku baaqday xabad joojin.

12/05/2026

Qoraaga Filimada iyo xubin ka tirsan xeerbeegtida Cannes Film Festival 2026 Paul Laverty ayaa dhaleeceeyay Hollywood oo uu ku eedeeyay inay qaadaceen jilayaasha ka soo horjeeda xasuuqii Gaza, isagoo xusay qosolka ku jira boorar xafladeed oo ay ku jirto Susan Sarandon, oo sheegtay inay lumisay wakiilkeedii ka dib markii ay ku baaqday xabad joojin.

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Kampala?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Website

Address


Kampala