AWDAL REAL PAGE

AWDAL REAL PAGE

Share

Bogan awdal real page waxa aad kaga bogan doontaan wararka somalida iyo kuwa caalamka. kala soco bogan warar xiiso badan iyo maclumad kale oo muhiima.

10/12/2025

Madaxtooyada Somaliland oo samaysay magacaabid

06/12/2025

Dadka daraaseeya sida dhulalka dawladuhu ama beeluhu ugu kala qaybsamaan juqraafi ahaan waxay u qeybiyaan saddex qaybood oo waaweyn:

1. Qaybta udub-dhexaadka ah (Core Region)
2. Qaybta dhexe (Semi-Periphery).
3. Qaybta daafaha ama xuduudaha (Periphery)

Haddii aragtidan lagu dabaqo dhulka ay deggan yihiin beelaha Gadabuursi, Borama waxay noqoneysaa udub-dhexaadka beesha, halkaas oo awoodda, qorshaynta iyo hogaamintuba ka jirto. Magaalada Saylac (Zeylac) iyaduna waxay noqoneysaa qaybta daafaha ama xuduudka beesha.

Difaaca xuduuduhu mar walba wuxuu u baahan yahay inay jirto xudun (Core Region) laga amba qaado abaabulka, saanadda iyo garabka aadanaha. Halkaa ayaa laga diyaariyaa agabka, halkaa ayaana laga bixiyaa taageerada lagama maarmaanka ah marka loo baahdo.

Borama waxay u tahay Saylac barta laga dardargeliyo abaabulka, lagana soo diro saanad iyo taageero haddii loo baahdo. Haddii Borama iyo nawaaxigeedu nabad ahayn, suurtagal ma noqonayso in si wax ku ool ah loo difaaco ama garab loogu fidiyo Saylac iyo magaalooyinka kale ee la midka ah, kuwaas oo muhiim u ah guud ahaan beesha Gadabuursi.

Sidaa awgeed, waxaan dhalinyarada iyo guud ahaan bulshada Gadabuursi ugu baaqayaa in haddii hadafku yahay difaaca Saylac iyo dhulalka xuduudaha, ay marka h**e lama huraan tahay in la adkeeyo amniga Borama iyo deegaannada ku dhow. Waa waajib in la xasiliyo magaalada, si markaas awoodda iyo dadaalka loogu jeediyo arrinta ugu muhiimsan ee ah difaaca iyo ilaalinta danaha beesha.

Siyaasi Dr Abdirahim Haji Daud Warsame

Want your business to be the top-listed Media Company in Kampala?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Address


Mengo Hill Rd
Kampala
10119